Falanqaynta kulanka championsleague-ga ee man united v club brugge.

Kulanka: Man United v Club Brugge

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika

Iyagoo seegay Uefa Champions League markii ugu horeysay muddo 19 sannadood ah xilli ciyaareedkii hore, United ayaa ku qasban inay garaacdo kooxda reer Belgium ee Club Brugge si ay ugu soo baxaan wareega group-yada ee xilli ciyaareedkan.

Manchester United ayaase kalsooni ka qabta rikoorka ay gurigeeda kaga heysato kooxaha reer Belgium iyagoo soo dhaweynaya kooxda Club Brugge kulanka isreebreebka Champion League. Waa markii ugu horeysay ee labada kooxood ay ku kulmaan tartan Yurub ah.

MAXAA KA CUSUB?

United waxaa weli ka maqan daafaca Phil Jones oo xumad ku maqan, laakiin xiddiga reer Belgium Maroune Fellaini ayaa laga yaabaa inuu ciyaaro inkastoo uu labadii kulan ee ugu horeysay ee horyaalka uu ku seegay ganaax.

Sergio Romero ayaa la filayaa inuu ku sii jiro goolka inkastoo uu David de Gea shalayto tababar la qaatay kooxda, halka Bastian Schweinsteiger iyo Ander Herrera ay sidoo kale rajeynayaan inay ku soo bilowdaan.

Si kastaba, Javier Hernandez ayay u badan tahay inuu kursiga keydka ku sii negaan doono iyadoo Wayne Rooney uu mar kale hogaaminayo weerarka.

Tababaraha kooxda Club Brugge Michel Preud’homme ayaa qaba dhaawacyo badan.

Felipe Gedoz, Lior Refaelov, Thomas Meunier, Bernie Ibini-Isei, Bjorn Engels iyo Nicolas Castillo ayaa dhamaantood dhaawac ku maqan, halka seddex ama afar kale aysan taam buuxda aheyn.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man United: Romero; Darmian, Smalling, Blind, Shaw; Schneiderlin, Herrera; Depay, Januzaj, Mata; Rooney

Club Brugge: Bruzzese; De Bock, Duarte, Mechele, Cools; Vasquez, Simons, Vormer, Dierckx; Diaby, Oulare

Kulamada Kale Ee La Ciyaarayo Caawa:

Lazio v Bayer Leverkusen

BATE v Partizan

Astana  v APOEL

Sporting Lisbon v CSKA Moskva

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *