Astrid thors oo soo jeedisay in soomaalida lagu xiro baasaboorka elektronika

Astrid Thors oo soo jeedisay in soomaalida lagu xiro baasaboorka elektronika

Wasiirada ajaanibta Astrid Thors ayaa soo jeedisay in hada kadib  lagu xiro baasaboorka electronic ah oo sawirka iyo faraha qofka leh soomaalida dooneysa iney soo gasho dalka Finland. Wasiiradda ayaa talaaboyinkan ku macneysay kuwa lagu xadadi karo soomaalida badan ee sugeysa iney finland kusoo galaan sponsorka.

Dalka Sweden oo bilabay inuu ku dhaqmo sharcigaan oo kale ayaa waxey keentay in ay yaraadaan dadka beenta ku dalbada qoysas in loo keeno. Sida hada jirta, sarakiisha waaxda socdaalka ayaa sheegaya ineysan cadeyn karin qoysaska la dalbado iney yihiin kuwa run ku saleysan.

Ninka madaxa ka ah waaxda socdalka ( maahanmuuttovirasto ) ayaa sheegay in soomaalida finland ay u gaar tahay iney dalbadan caruurta ey soo korsadeen. Wadamada kale caadadan kuma badna, lakin soomaalida
degan finland ayaa dalbada caruurta ey waalidka uyihiin iyo kuwo ey soo korsadeen.

Saxafada dalka Finland ayaa maalmahan aad uhadal haysa soomaalida, iyagoo sheegay in waaxda socdaalka howsheeda habsami usocon weysay kadib markii dalabadki soomaalida tirada ka batay, taasoo sababtay in
dalabyada qaarkood go’aankoda qaato 2 sano, meeshii markii hore go’anka jawabta lagu heli jiray
9 bilood gudaheeda.

Filed Under: SOMALI UUTISET

Trackback URL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *